Ciidamo kasoo amba-baxay gobalka Mudug oo ku wajahan Laascaanood

Ciidamo fara-badan iyo gaadiid dagaal oo xalay kasoo ruqaansaday xarunta gobalka Mudug ee Gaalkacyo ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood, oo todobaadkii saddexaad uu ka soconayo duullaan maamulka Somaliland ku doonayo in uu dib ugu qabsado.

Diyaarinta ciidamada ayaa maalmihii u dambeeyay si weyn looga dareemaya magaalada Gaalkacyo iyo deegaannada kale ee gobalka. Isimadda dhaqanka oo uu hormuud u yahay Islaan Bashiir Islaan Cabdille ayaa horkacayay diyaarinta ciidamada u ruqaansaday Laascaanood.

Dadka deegaannada SSC ayaa hadal-haya tagista ciidamada cusub ee ka baxay gobalka Mudug, kuwaas oo sida la rumeysan yahay door weyn ka geysan kara xoreynta gobalka Sool.