Dablay hubaysan oo dad rayid ah ku dishay dalka Mali

Dablay hubaysan ayaa weerar ay ka geysteen badhtamaha dalka Mali, waxay ku dileen ugu yaraan 12 qof oo rayid ah, sida laga soo xigtay laba masuul oo ka tirsan dawladda dalkaas. Weerarkan ayaa ahaa kii ugu dambeeyey ee ay kooxaha Islaamiyiintu ay ka geystaan deegaankaas.

Dalkan ku yaalla galbeedka Afrika ayaa la baaxaa degaya qalalaase gacan ka hadal wata, oo ay wadaan kooxo xidhiidh la leh ururada al-Qaacida iyo Daacish.

Kooxahan Islaamiyiinta ayaa sidoo kale hawlgallo ka geysta dalalka deriska la ah Mali, iyaga oo ku dilay kumanaan qof, halka ay barakiciyeen malaayiin qof.

Weerarkan ugu dambeeyey ayaa ka dhacay magaalada Bankass Circle ee ku taalla gobolka Mopti ee dalka Mali, sida laga soo xigtay maayar magaaladaas.

Maayarka ayaa isagu sheegay inay heleen meydadka illaa 19 qof, iyaga oo ku raadjooga inay helaan kuwo kale.

Maayarka magaalada kale ee Kani Bonzon ayaa isaguna xaqiijiyey in weerarkaas lagu dilay illaa 12 qof oo rayid ah isaga oo muujiyey in tirada dhimashadu ay intaas ka badan karto.

Reuters