Dagaal xooggan oo hada ka bilowday Laascaanood

Dagaal culus ayaa dib uga bilowday goor-dhaweyd xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, kaas oo u dhexeeya Ciidanka Somaliland iyo ciidamada deegaanka ee SSC.

Galbeedka magaalada oo saldhig ciidan ku leeyahay Mahad Cambaashe oo kasoo jeeda Laascaanood, balse daacad u ah maamulka Hargeysa iyo Bariga magaalada ayay duullaanka kasoo qaaday Somaliland.

Waa tobaadkii saddexaad oo magaalada Laascaanood martigelinayso duullaanka Somaliland, wallow lagu jabiyay dagaaladii dhacay.