Laascaanood: Khasaaraha ciidanka Somaliland ee dagaalka maanta

45 askari ayaa maamulka Somaliland looga dilay, 86 kalena waa looga dhaawacay dagaal maanta ka dhacay xarunta gobalka Sool ee Laascaanood.

Xubnaha dagaalka ku dhintay ayaa waxaa kamid ah Taliye kuxigeenkii guutada 7aad ee ciidanka Somaliland ahaana Abaanduulaha ciidamada, Korneyl Askhkir Ibraahim. Dagaalka ayaa ka dhacay galbeedka iyo bariga Laascaanood.

Ciidamada ka dhintay Somaliland ayaa u badnaa kuwo looga dilay dagaalkii ka dhacay xerada Guulwade oo ahaa fariisinka ciidamada uu hoggaaminayay Taliyaha gobalka Sool ugu magacaaban Somaliland, Gen. Mahad Cambaashe.

Sidoo kale, hub isugu jira Labo Taangi, gaari Suu ah, gaari waaraad ah iyo qoryo kala duwan ayaa lagu qabsaday dagaalka Laascaanood ee maanta.