Ciidamadii Mudug ka gurmaday oo Caawa isku hor fadhiya duleedka Laascaanood

53-Gaadiidka dagaalka ah iyo ku dhawaad 700 oo Nin,Ciidan ka kooban oo ay hormuud uyihiin reer Mudug,ayaa Caawa kala dhex fariistay Laba Ciidan oo Somaliland ah oo fadhiyay duleedka Laascaanood.

Ciidankaas,waxuu kala jaray Gurmadkii,Saadkii iyo daabulidii dhaawaca Ciidanka Somaliland.

Ciidamadan oo kasoo dhaqaaqay Mudug Xalay,ayaa waxaa soo raacay dhamaan Ciidamadii Beelaha kale ee fadhiyay Tukaraq Marka Jimcaale laga reebo.

Saacad walba ayay bilaaban kartaa Xabadu,waxaana la filayaa in uu noqdo dagaalku kii ugu adkaa oo ay toos isku wajahaan Laba Ciidan oo diyaarsan.