Maxaa ku khasbay Somaliland in ay ciidanka kala baxdo Tukaraq & Gambadha ?

Waa Saraakiisha hogaaminaysa Ciidamada Mudug ka yimid iyo kuwa la midoobey ee Taleex iyo Sanaag oo wax ka badalay dagaalka kuna khasbay Ciidamada SL in ay ka guuraan Ganbarre iyo Tukaraq.

Sidoo kale waxay ku khasbeen Ciidanka SL in ay ka baxaan difaacyadoodii ku teedsanaa Buurta Sayidka ilaa Hotel Xamdi,waxaa si gaar ah ucararay kuwii saarnaa Buurta Sayidka ee Magaalada garaacayay.

Ciidankan oo wata ku dhawaad 70-Gaari oo Tukniko ah,ayaa iskugu jira..

1.Ciidankii Mudug.
2.Ciidankii Taleex.
3.Ciidankii Xanaano.

Haatan,waxay difaac ka xirteen Maraaga,Buurta Sayidka ilaa Guriga Gobolka iyo Hotel Xamdi.

Ciidamadii Somaliland intii udanbaysay Kolonyadoodii waxay dhaafeen Koonfurta Maraaga,waxayna ku urureen Gooja-cadde ilaa Oog.

Xabaddo goos-goos ah,ayaa dhacaya xiligan.