Maxaa sababay baaqashada Shirkii Madasha Qaranka Ee Muqdisho?

Waxaa baaqday Shirkii Madasha ee Madaxda Qaranku iskugu imaan lahayd Bishan 24-25-keeda.

Sida aan xogta ku helay 15-ka Bisha danbe,ayaa laysku dayay in loo badalo oo Baydhabo layskugu yimaado,waxaase si buuxda udiiday Madaxweyne Deni kasoo qaybgalka Shirkaas oo idil.

Sababta ugu weyn ee keentay in uu baaqdo,waa khilaafka Puntland iyo Dowlada Fadaraalka ah.

Puntland waxay jartay dhamaan wada shaqayntii Dowlada Fadaraalka,waxayna ka baaqatay ugu yaraan Sideed Shir oo looga xaajoonayay mashaariicda Dalka sida…

1.Caafimaadka.
2.Waxbarashada.
3.Deegaanka.
4.Cadaalada.

Madaxweyne Xasan,ayaa tagidiisa Imaaraadka ay ku salaysan tahay khilaafka PL,gaar ahaan Saldhig Milleteri oo Imaaraadku uu ka samaysan rabo Bosaso.

Ma muuqato dadaal lagu xalinayo kala taga PL iyo Fadaraalka.

Dalku wuxuu galay xaalad siyaasadeed oo xal u baahan.

XSM,isaga ayay masuuliyadi ka saaran tahay isku haynta dalka Siyaasad iyo Amni ahaanba.

Jibril Qoobey.