Muuse,waxuu qabtay kulan deg-deg ah jabkii ku dhacay Ciidankiisa kadib.!!

Wasiirkiisa arimaha gudaha,Talyihiisa sirdoonka iyo Nuux Taani oo khadka Taleefoonka laga soo geliyay,ayuu kulan uqabtay.

Kulankaas,waxaa si weyn loogu dhaleeceeyay Nuux Taani oo lagu dhaliilay qorshihiisa dagaal,inkastoo uu isdifaacay.

Muuse,waxuu dareemayaa fashil weyn in uu dhex fadhiyo oo SL ay qarka usaaran tahay in ay Gacantiisa ku burburto.

Jabka Milleteri ee uu dareemayo,waxaa ugu darsoomay dharbaaxada Siyaasadeed ee qabsatay.

BC waxay taagan tahay in talaabo adag laga qaado Muuse iyo maamulkiisa,waxaase hor taagan Ingiriiska oo leh xal Somaliyed aan tijaabino marka hore in loo helo xaalka Laascaanood.

Maraykanku si weyn,ayuu ubahdilay oo waxaa loosoo diray Safiir ku xigeen siday fariin loogu sheegayo in uu doorashada qabto,joojiyana dagaalka LC.

Dowlada Somaliya Safiirkeeda QM,waxuu fadhiga si cad uga sheegay waxa ka socda LC in ay yihiin xasuuq,isla markaana Ciidamada SL ay beegsanayaan Iskuulada iyo Isbitaalada ayna tahay in talaabo laga qaado danbiyadaas ka dhanka ah bini’aadantinimada.

Muuse xisaab khaldan,ayuu isku darsaday.