Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Pakistan

Booliska Koonfur-galbeed ee Pakistan ayaa sheegay Axadda maanta ah in qarax bambaano uu ka dhacay suuq ay dadku ku badan yihiin, kaasoo ay ku dhinteen ugu yaraan afar qof, 16 kalena ay ku dhaawacmeen.

Ma jirto koox markiiba sheegatay mas’uuliyadda qaraxan ka dhacday degmada fog ee Barkhan ee gobolka Baluchistan, halkaasi oo aysan fajac ka aheyn weerarrada maleeshiyada argagixsada ah.

Saraakiisha Isbitaalka deegaankaas ayaa sheegay in carruur ay ka mid yihiin dadka dhaawacmay, iyagoo xaaladda dhowr dhibbanayaal ku sifeeyay “mid halis ah” lagana cabsi qabo in dhimashadu ay korodho.

Guddoomiye ku xigeenka degmadaas, Cabdalla Khoso, ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhashay miinada dhulka lagu aaso ee meelaha fog laga hago oo lagu soo xiray mooto bajaaj.

Dukaamo dhowr ah ayaa sidoo kale si xun u burburay qaraxan, sida laga soo xigtay TV-ga maxalliga ah.

Madaxa gobolka Abdul Qudoos Bizenjo ayaa cambaareeyay weerarkan, isagoo ku tilmaamay fal argagixisanimo wuxuuna ku tilmaamay ‘dambiilayaal cadow ah”.

“Argagixisadu waxa ay isku dayayaan in ay hubanti la’aan ku abuuraan weerarradan oo kale si ay u gaaraan naqshadahooda gurracan, laakiin ma oggolaan doonno in kuwan qaran-diidka ahi ay guulaystaan,” ayaa lagu yiri war rasmi ah oo kasoo baxay Bizenjo.

Ra’iisul wasaaraha Pakistan Shehbaz Sharif ayaa sidoo kale cambaareeyay qaraxii dadka badan ay ku dhinteen ee ka dhacay magaalada Baluchistan, isagoo wacad ku maray in cadaalada la horkeeni doono kuwii ka dambeeyay dhiiga daadanaya.