Qeybii 2aad: Maxay isku hayaan Wasaaraddaha Waxbarashada Puntland & DFS ?

Kan hore waa heshiiskii Puntland 2016-kii ay diiday Puntland ee kala qeexayay awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad Goboleed.

Kan ku xiga waa heshiiskii ay Puntland diiday in ay saxiixdo 2019-kii xilligii Goodax,waana dulucda khilaafka Waxbarashada ee jira.

Kan Sadexaad waa 2017-kii heshiis gaar ah oo ay galeen PL iyo Fadaraalka markuu Farmaajo yimid balse Goodax Barre kabaxay.

Kan Afraad waa heshiiskii lawada galay 14-kii July markii uu Wasiir Carab yimid oo Shir ay iskugu yimaadeen Garowe dhamaan Wasaaradaha Waxbarashada Dalka,balse ma fulin isaguna.

Kismaayo,ayaa layskugu tagay markale,waase ismari waayay oo sidaas,ayaa wakhtigeedii ku dhamaaday Dowladdii Farmaajo.

Faarax Sh,Cabduqaadir markuu yimid daaqaduu ka tuuray heshiiskii 2021 iyo midkii hore 2016,waxuuna boorka ka jaftay kii 2019 ee ay horay udiiday Puntland,waxuuna horgeeyay Shirkii madasha ee Madaxwaynayaasha,kaasoo ay wada saxiixeen markii laga reebo Madaxweyne Deni.

Faarax,waxuu la yimid fikrad ka khatar badan midii ay wateen Wasiiradii hore oo ay ka muuqato xantii Jabuti ee isbahaysiga Beelaysiga.

Doodiisu waxay tahay wax haloo qaybsado Somaliya iyo Somaliland,waaba fahmi karnaa qoondada gaarka loo siiyo SL oo waxay sheegatay Jamhuuriyad gaar ah,Puntland-se waa DG la mid ah Maamulada kale hanala soo raaciyo.

Qormadan waxay ku fadhidaa dooda W.Waxbarashada Putland.

La soco Qaybta xigta..

Jibril Qoobey.