Somaliland oo ciidamadeedii kala baxday Tukaraq

Ciidamada maamulka Somaliland ayaa isaga baxay saaka deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool, oo 2018kii ka qabaadeen ciidamada Puntland, xilli ay garab ka helayeen dadka deegaanka.

Somaliland ayaa ciidamadoodii iyo gaadiid dagaal rartay, sida ay soo warrinayaan dadka deegaanka. Ciidamo uu hoggaaminayo Gen. Jimcaale Jaamac Takar oo dhowaan gaaray aaga Tukaraq ayaa la wareegay saldhigyadii ay baneeyeen ciidamada Somaliland.

Sida muuqata jab xooggan ayaa ciidamada Somaliland kasoo gaaray dagaalkii shalay ka dhacay Laascaanood, taas oo keentay in ay raraan ciidamadoodii joogay Tukaraq. Sidoo male xiisad kacsanaan ah ayaa ka taagan gudaha Gooja-cadde oo laga maqlayo rasaas goos-goos ah.