VIDEO: Guddoomiye Cabdirisaaq oo masuuliyadda dagaalka Laascaano dusha u saaray Muuse Biixi

Shir jaraa’id oo ku qabtay xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, Guddoomiyaha Baarlamaanka Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayuu ku sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi uu hurinayo colaadda Laascaanood, uuna diiday xal kasta oo nabaddeed.

Guddoomiye Cabdirisaaq Khaliif ayaa sheegay in uusan isagu matalin Hargeysa, Burco iyo Gabiley, balse uu yahay masuul matala gobalka Sool ayna dadkiisu soo doorteen, sidoo kalena lamid aheyn Mahad Cambaashe iyo Saleebaan Koore oo ah adeegayaal.

Maamulka Madaxweyne Biixi ayuu ugu baaqay in uu ciidamada kala baxo gobalka Sool, loona hoggaansamo go’aanka isimadda dhaqanka SSC oo ah kan rasmiga ah ee ka shaqeyn doona deegaanka.