Wararkii ugu danbeeyay Ee khasaaraha kasoo gaaray Ciidamada SL dagaalkii saakay

Cagta,waxaa lamariyay Guutadii 18-Aad ee Ciidanka Somaliland,waxaana watay Nin layiraahdo Baashe Fanax oo Beesha Arab kasoo jeeda.

Waxaa Magaalada Oog lageeyay 120-Askari oo dhimasha ah,sida layga xaqiijiyay Xarun Caafimaad oo Magaalladaas ku taal.

Waxaa kaloo jira Ciidan badan oo Somaliland ah oo Geeri iyo Nolol lagu waayay,sida uu ii xaqiijiyay sarkaal ku sugan Oog.

Sidoo kale Sadex Nin oo dhaawac ah oo kasoo jeeda Beesha Habarjeclo oo Laba Reer Yoonis kasii tahay Midna Jifida Biciido,ayaa Ciidanka Xaqudirirka ee Degmada Kalabayr ay Gacanta ku hayaan,siday ii xaqiijiyeen.

Guutada 18-Aad ee jabtay waa midii laga soo qaaday Galbeed ee lagu soo xoojiyay Mahad Canbaashe.

Galinkii danbe ee Maanta,waxaa galay dagaalka oo iyaduna aad u dhimatay jug culusna ay gaartay Guuto Ciidanka Koofiyad Casta loo yaqaan oo Nin Habaryoonis ah oo Cali Siciid kasii ah uu wato.

Taliyihii Ciidanka loo yaqaan 99-Aad ee Somaliland Axmed Xaashi oo kasoo jeeda Beesha Habar-yoonis,Reer Weyd,ayaa isaguna dhaawac culus kasoo gaaray dagaalka.