Akhriso: Puntland “Somaliland waxay dooneysaa in ay siyaasadeyso xasuuqa Laascaano”

Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland ayaa beenisay in ay qeyb ka tahay dagaalka ka soconaya magaalada Laascaanood, iyadoo sheegtay in Somaliland ay dooneyso in ay siyaasadeeyso xasuuqa shacabka Laascaanood.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa lagu sheegay in dagaalka oo galay maalintii 22aad, uu dhexeeyo Somaliland iyo dadka deegaanka, waxaana ay ugu baaqday maamulka Hargeysa joojinta xasuuqa.

Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Puntland.

Dagaalka maalintii 22-aad sida tooska ah uga socda magaalada Laascaanood iyo Deegaanada hoos yimaada wuxuu u dhaxeeyaa Dadka Deegaanka oo u dagaalamaya Naftooda, Sharaftooda iyo rabitaankooda masiiriga ah iyo dhinaca kale, ciidamada Somaliland oo qori caaraddiis iyo khasab raba in ay ku meel mariyaan mashruucooda gooni-goosadka ah.

Dagaalkaani waa kacdoon shacab oo ka dhashay dilal qorshaysan, caburin iyo xad-gudubyo baahsan oo loo gaysanayey dadka Gobolka Sool 15-kii sano ee ugu dambeeyey.

Waa dagaal gardarro ah oo keenay xasuuq shacab, Barakac baahsan iyo burbur baaxad leh oo aan horay noociisa loo arag.

Waxaan cadaynaynaa in aan Dowladda Puntland dagaalka qayb ka ahayn, kuna jirin, Mowqifkeedi horena aan waxba iska badalin. Eedaynta Somaliland-na kama duwana kuwii hore ee marin habaabinta ahaa iyo isku day kale oo caalwaaa ah oo ay rabto in ay ku siyaasadayso, kuna qariso xasuuqa ay deegaanka ka waddo.

Dadka deegaanka oo ay hogaaminayaan Isimadooda dhaqanku iyaga oo xor ah, nabad ah oo aan xabad dhafoorka looga hayn waxa ay xaq u leeyihiin in ay go’aan ka gaaraan rabitaankooda iyo masiirkooda Bulsho.

Waxaan markale Somaliland ugu baaqaynaa in ay si deg deg ah ciidamadeeda ugala baxdo Degaanada Gobolka Sool si gargaar bini’aadantinimo loo gaarsiiyo dadka tabaalaysan ee barakacay.

DHAMMAAD.