Dagaal culus oo ka soconaya duleedka Laascaanood

Dagaal culus ayaa ka soconaya duleedka magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, kaas oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC.

Inta badan dagaalka ayaa ka soconaya aaga miraanyada oo ay shalay deegaan ka dhigteen ciidamada Somaliland ee ka baxay deegaanada Tukaraq iyo Gambadha.

Warar hordhac ah ayaa sheegaya in ciidamada Somaliland laga durkiyay aaga dhufeysyada ka sameysteen. Waa asbuucii saddexaad oo dagaalku soconayo, ciidamo ka kicitimay gobalka Mudug ayaa saaka qeyb ka ah dagaalka.

Wixii kasoo kordha kala soco Idilnews