Akhriso: Somaliland oo war kasoo saartay dagaalka saaka socda

War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Gaashaandhiga Somaliland ayaa lagu sheegay in Taliyayaal ciidan oo ka yimid Muqdisho ay kusoo biireen dagaalka ka saaka ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, iyagoo ugu baaqay Beesha Caalamka iyo dalalka dariska ah in laga caawiyo dagaalka oo ay sheegeen in ay kula jiraan argagixiso.!

Akhriso War-saxaafadeedka kasoo baxay Somaliland.

WAR-SAXAAFADEED

Hargeya-28-02-2023(), waxaa fadhiisimada Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland ee Galbeed Magaalada Laascaanood soo weeraray kooxaha Nabad diidka iyo Argagixisada ah ee ku sugan Magaalada Laascaanood.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland oo ka duulaya in ay is difaacaan ayaa dhirbaaxo kulul ku dhuftay kooxaha huwanta ah ayna ku soo biireen Taliyayaal Ciidan oo ka yimi Magaalada Muqdisho.

Ciidamada Qaranka Jamhuuriyadda Somaliland waxay diyaar u yihiin in ay shacabkooda ka difaacaan kooxaha Argagixisada ah ee gabaadka ka dhiganaya dadka shacabka,kooxahan oo isaga kala yimi meelo kala duwan.

Waxay Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland u cadaynaysaa Beesha Caalamka iyo wadamada jaarka ah in kooxahan Argagixisada ah ee dagaal kula jira Somaliland ay khadar ku yihiin nabadgelyada iyo Xasiloonida Gobolka Geeska Afrika, waxayna Dawladda Somaliland ku baaqaysaa in la iska kaashado kooxahan Argagixisada ah sidii looga sifayn lahaa Magaalada Laascaanood.