Dagaal culus oo saaka dib uga bilowday duleedka Laascaanood

Dagaal culus ayaa saaka dib uga bilowday duleedka magaalada Laascaanood, kaas oo u dhexeeya ciidamada deegaanka ee SSC iyo ciidamada maamulka Somaliland ee duullaanka ku ah Laascaanood maalintii 23aad.

Aaga maraaga ayaa dagaalku saaka ka soconaya, waxaana la xaqiijiyay in ilaa saddex jiho ay dhinacyadu ku dagaalamayaan.

Somaliland ayaa khasaare xooggan kala kulantay dagaallada ka soconaya xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, waxaana ay ku weyday saraakiil sare iyo ciidamo fara-badan.