Midawga Yurub iyo UK oo heshiis taariikhi ah gaaray

Midowga Yurub iyo Dowladda Britain ayaa xalay heshiis cusub ka gaaray muran in muddo ah soo socday oo ku qotoma, ka bixistii uu Ingiriisku ka baxay Midawga Yurub.

Ra’iisul wasaaraha Britain Rishi Sunak ayaa heshiiskaas ku tilmaamay mid taariikhi ah iyo horumar la taaban karo, kaasoo ilaalinaya madax-bannaanida dadka Woqooyiga Ireland oo qeyb ka ah boqortooyada Britain.

heshiiskan cusub ayaa u muuqda mid Woqooyiga Ireland ka qaadaya culeysyada soo wajahay wixii ka dambeeyay markii Britain ay ka baxday Midowga Yurub.