Sawirro: Ciidanka Somaliland oo lagu jabiyay dagaalkii saaka

Ciidamada Somaliland ayaa jab xooggan kala kulmay dagaal culus oo aroornimadii saaka ay kusoo qaadeen magaalada Laascaanood, ayna doonayeen in ay dib ugu qabsadaan magaalada.

Dagaalka ayaa ka dhacay galbeedka Laascaanood, ciidamada deegaanka ee SSC ayaa ku guuleystay in ay dib u riixaan ciidamada maamulka Somaliland, waxaana ay ka qabsadeen farriisimihii ay dagaalka kasoo qaadeen saaka.

Sidoo kale, ciidanka deegaanka ayaa gaadiid dagaal ka qabsaday Somaliland, halka si dirqi ah ay ku baxsadeen Taangiyada dagaalka ee Somaliland oo duullaanka saaka wehlinayay.

Tiro badan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa Somaliland kasoo gaaray dagaalka maanta, waxaana sida la xaqiijiyay ka geeryooday ilaa saddex sarkaal oo kamid ahaa saraakiisha dagaalka soo qaaday aroornimadii.