VIDEO: Ciidamo ‘gurmad cusub ah’ oo gaaray Laascaanood

Ciidamo cusub oo gurmad ah ayaa maanta gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobalka Sool, oo maalintii 23aad uu ka soconayo dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC.

Muuqaallo lagu baahiyay baraha bulshada ayaa muujinayay kolonyo ciidamo fara-badan ah, oo wata gaadiid oo galaya Laascaanood, iyadoo si farxad ku jirto u soo dhaweynayaan dadka kooban ee ku haray gudaha magaalada.