Adeegyada shirkadda Golis oo maanta aan ka shaqeynayn Puntland

Adeegyada shirkadda isgaarsiinta Golis ee ka howlgasha Puntland ayaa maanta hakad ku yimid, waxaana dhamaan deegaanka aan ka shaqeynay barnaamijyada wicitaanka iyo lacagta danabeysan ee Sahalka.

Istaaga ku yimid adeegyada shirkadda Golis ayaa abuuray jahwareer ku yimid suuqyada Puntland. Dadka ayaa dhooban goobaha ganacsiga kadib markii ay u shaqeyn waayeen lacagihii ay diri lahaayeen.

Sidoo kale, xiriirkii khadka telefoonka ayaa meesha ka baxay, kaas oo dadku ku kala xog qaadan jireen.

Lacagta Shillin Soomaaliga ayaa horey uga istaagtay deegaannada Puntland, waxaana ka dhashay daruufo nolaleed.