VIDEO: Ciidamo fara-badan oo ka socda Boqor Burhaan oo ku biiray dagaalka Laascaanood

Ciidamo fara-badan oo kasoo kicitimay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar ayaa ku wajahan magaalada Laascaanood, oo muddo saddex todobaad ah uu ka soconayo dagaal u dhexeeya ciidamada maamulka Somaliland iyo ciidanka deegaanka ee SSC,

Ciidamada oo ka kooban ilaa 30 gaari oo Takniko ah ayaa kasoo jeeda Beesha Cismaan Maxamuud, gaar ahaan qoyska Boqorka Guud ee beelaha daarood (Boqor Burhaan Boqor Muuse). Waxaa la filayaa in ay ku biiraan halganka xoreynta gobalka Sool.