Sawirro: Ciidamada Beesha Cismaan Maxamuud oo gaaray Laascaanood

Ciidamada gurmadka ee xarunta gobalka Sool ee Laascaanood, ayaa gaaray gudaha magaaladaas, iyagoo kasoo socdaalay deegaano kamid ah gobalka Bari.

Ciidamada oo wata gaadiid dagaal oo fara-badan ayaa si gaar ah uga socda jifida Bah-dir ee Beesha Cismaan Maxamuud. Waxaana ay qeyb ka noqon doonaan dagaalka ka dhanka ah duullaanka maamulka Somaliland ee Laascaanood, si ay qeyb uga noqdaan difaaca deegaanka.