Sawirro: Maxay ka wada-hadleen Wasiirada Deegaanka ee Somalia & Qatar ?

Wasiirka Wasaaradda deegaanka iyo is badalka Cimilada XFS Ambassador Khadiijo Al Maqsuumi ayaa Magaalada Doha ee dalka Qatar kulan kula qaadatay dhiggeeda dalka Qatar Dr Faalix Bin Naasir oo ay ka wada hadleen iskaashiga labada dhinac.

“Sharaf ayey ii ahayd inaad maanta magaalada Dooxa ee dalka Qatar kulan kula qaatay wasiirka Deegaanka iyo Isbedelka Cimilada dowladda aan walaalaha nahay ee Qatar, Waxa aan ka wada hadalnay iskaashi dhinacyo badan oo dhex mara labada wasaaradood oo abuuraya fursado wax looga qabto isbedelka cimilada isla markaasna lagu caawiyo Soomaaliya” ayay tiri Wasiir Khadiijo.