Akhriso: Safiirkii DFS ee Qatar oo looga yeeray Muqdisho

Waraaq kasoo baxday Wasiirka Arrimaha Dibedda DFS ayaa loogu yeeray in uu Muqdisho yimaado safiirka Soomaaliya ee dalka Qatar Amb. Cabdirisaaq Faarax Cali, xilli uu maanta kusii jeedo dalkaas Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ruun Siciid Qorsheel ayaa la sheegay in ay siihaye ka noqon doonto safaaradda Soomaaliya ee Doxa. Amb. Cabdirisaaq Faarax oo ah seediga Agaasimihii hore ee Hay’adda NISA Fahad Yaasiin Xaaji ayaa ahaa xiriiriyaha Qatar iyo dawladdii hore ee Madaxweyne Farmaajo.