Jakarta: 17 qof oo ku dhintay dab ka kacay keyd shidaal

Dab xooggan ayaa fiidnimadii Jimcaha ka kacay goob lagu keydiyo shidaalka oo ku taalla caasimadda Indonesia ee Jakarta, waxaana ku dhintay ugu yaraan 17 qof.

Saraakiisha ayaa sheegay in dabku uu ka kacay keydka shidaalka ee Plumpang, oo ay leedahay shirkadda tamarta dowladda ee Pertamina.

Muuqaal ay soo gudbisay warbaahinta Indonesia ayaa muujinayay boqollaal qof oo ku nool xaafadda ay dadku ku badan yihiin oo argagaxsan, halka dabdamiskuna ay ka shaqeeyeen daminta dabka.

Saraakiisha ayaa sheegay in dadka dhintay labo ka mid ah ay ahaayeen carruur, waxaana ay sheegeen in 50 kale oo ka mid ah dadka deegaanka la dhigay isbitaalka, kuwaas oo qaarkoodna ay si daran u gubteen.

Waxay sheegeen in inka badan 600 oo qof la daadgureeyay tan iyo markii uu dabku kacay abbaare 8-dii fiidnimo waqtiga maxaliga ah.

Iis Iswanti oo joogtay Isbitaalka Koja, ayaa VOA u sheegtay in wiil ay habaryar u tahay uu ku jiro waaxda gargaarka degdegga ah ee ICU, kaas oo ay sheegtay in 90% uu jirkiisu gubtay.