Maxaa kasoo baxay kulamadii Garaadada ay la yeesheen Maraykanka iyo Itoobiya?

Garaadadu waxay kula kulmeen Garowe weftigii ka socday Dowlada Itoobiya.

Kulankaas,waxaa Garaadada loogu xaqiijiyay in Muuse Biixi la baxayo Ciidamadiisa mudo Todobaad ah.

Dhankooda Garaadada,waxaa laga dalbaday in ay fursad usiiyaan la bixida Ciidankiisa,wayna aqbaleen.

Sidoo kale Garaadadu waxay Aalada Zoom-ka kulan kula qaateen Safaarada Maraykanka,waxayna uga xog warameen xaalada Laascaanood ee xiligan.

Safaaradu waxay usheegtay Garaadada Laba arimood oo kala ah…

1.In gar-gaar deg-deg ah ay soo gaarsiinayso Shacabka.

2.In Ciidamada SL ka baxayaan Deegaamadooda kadibna loo baahan yahay in la abuuro jawi wada xaajood.

Garaadadu waa soo dhaweeyeen Labadaas Qodob,waxayna dhankooda sameeyeen ballanqaad.

Kulamada,ayaa ugu soo idlaaday Garaadada si guul ah.

Jibril Qoobey.