Maxaa looga xaajooday fadhiga Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka Puntland

Waxaan manta shir Guddoomiyey fadhiga 4-aad ee Guddiga joogtada ah Golaha Wakiillada DPL, kaas oo looga hadlay xaaladda guud ee dalka, xeerarka goluhu ansixiyey kalfadigii 51-aad, cabasho la xiriirta mushahaarka shaqaalaha & ciidamada Puntand iyo amniga Caamidda Garoowe.

Dood iyo falaqayn dheer kadib, waxay Guddiga joogtada ahi go’aamiyeen qodobada soo socda:-

1. In loo yeero Wasiirka Amniga Puntland, Taliyaha Ciidanka Booliska , Taliyaha la dagaalka Argagixisada, Taliyaha Qeybta Booliska Gobolka Nugaal, Guddoomiyaha Gobolka Nugaal iyo Duqa Degmada Garoowe, si wax looga weydiiyo Amniga Caasimadda ee Garoowe.

2. In Guddoomiyaha Guddiga Maaliyadda, Dhaqaalaha iyo Xisaabaadka ee Golaha Wakiilladu xog-dhammaysitran ka keeno cabashooyinka shaqaalaha rayidka ah iyo Ciidamada ee la xiriira mushaharaadka, Guddiga Joogtada ahna u soo gudbiyo fadhiga soo socda ee 6 Maarso, 2023.

3. In qoraal loo gudbiyo Madaxtooyada Puntland, kaas oo ku saabsan sababta faafinta rasmi ah loogu soo soo saari waayey labada Xeer ee kala ah Wax-ka-bedelka Xeerka Shaqalaaha Rayidka ah iyo Xeerka Khayraadka Biyaha Puntland, sida uu qado Qodobka 71-aad farqadiisa 1-aad ee Dastuurka Dawladda Puntland, xeererkaas oo 01 January, 2023 loo gudbiyey Madaxtooyada Puntland.

ALLAAH MAHADLEH
ALLOW DHAWR PUNTLAND🙏