Muuse Biixi oo bilaabay in uu kala baxo Xerada Gooja-cade Ciidamadiisa

Muuse Biixi Wado aan ahayn in uu Ciidankiisa la baxo uma furnayn,waxaana muuqata in uu aqbalay.

Waa jiraan warar aan la xaqiijin karin oo sheegaya in Ciidamada uu ka saarayo Gaaja-cade uu uwareejinayo Buuhoodle oo uu rabo in uu ka furo furin cusub.

Jiho walba,waxaa Muuse uga yimid soo jeedin oranaysa soo saar Ciidamada oo kusoo ururi Deegaanka Beesha Isaaq ee laga ogol yahay…

1.Gudaha Siyaasiyiinta Beesha Isaaq ee Hargaysa oo iskugu jira kuwo mucaarad ah iyo kuwo muxaafid ah,ayaa usoo jeediyay fikradaas.

2.Dowlada Somaliya,Jabuti,Itoobiya,Maraykanka,Midowga Yurub iyo QM,ayaa usoo jeediyay.

3.Indheer garad Somaliyed oo ubadan Beesha Hawiye,ayaa usoo jeediyay fikradaas.

Dooda Muuse la hor dhigay,ayaa oranaysa…

“Ciidanka soo saar oo dagaalka jooji,kadib qabo doorashada Madaxtooyada si loo badbaadsho SL iyo ugu yaraan midnimada Beesha Isaaq marka hore”.

Muuse haduu aqbalo si buuxda soo jeedintaas,waxuu badbaadshay SL inteeda is ogol.

Hadiise Muuse Biixi diido soo jeedintaas,waxuu markhaati ka noqon doonaa Rubad go’ii udanbeeyay ee SL.

Jibril Qoobey.