Sawirro: Madaxweyne Xasan Sheekh la hadlay ciidamada DANAB ee jooga Kismaayo

Madaxweynaha Dowlada Federaalka ah Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo uu wehelinayo Madaxweynaha Dowlada Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam ayaa booqasho ugu tagay Ciidamada Sida gaarka ah u tababar ee Danab gaar ahaan Ururka shanaad ee saldhigoodu yahay Jubaland.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa uga mahad celiyay Ciidamada Danab Sida ay habeen iyo maalin ugu taagan yihiin xoraynta dalka iyagoo naftooda u huraya sidii dalkeenu uu cagahiisa iskugu taagi lahaa.

Ciidamada Kala duwan ee Jubaland iyo Kuwa xooga dalka ayaa deegaanada kala duwan ee Jubaland ka wada howlgalo lagu cirib tirayo kooxaha Argagixisada ah kuwaas oo ilaa hada laga gaaray natiijooyin wax ku ool ah.