Maxay yihiin Mashaariicda Waxbarasho ee PL la rabo in laga hor istaago?

Maxay yihiin Mashaariicda Waxbarasho ee PL lagu taageero oo W.Waxbarashada Fadaraalku rabto in ay joojiso?

Halkan ka akhriso:-

1.Global Partnership Education oo ay fuliso UNICEF,Mashruucaan waa gabagabo xiligan lacagtiisuna waxay ahayd 8.8M iyo 3.6M loogu talagalay Dugsiyada Abaaruhu saameeyeen.

2.Waxaa jirta Lacag cusub oo Somaliya la siiyay,taasoo loo qaybsan jiray Saddex Aag oo kala ah..

B.Faderaalka.
2.Puntland.
3.Somaliand.

Balse hadda Wasiir Faarax wuxuu xusul duub ugu jiraa in meesha laga saaro Puntland oo loo qaybsado Somaliya iyo Somaliland.

2. Education Can not wait: Waa dhamaaday xilligan, mashruucas waxaa fulinayay Save the Children iyo CARE ,waxaana la sugayaa Lacag cusub oo la siiyay Somaliya oo iyadana isla caqabadaasi haysato waxaana dagaal xoog leh ku jira Wasiir Faarax oo doonaya in Puntland meesha laga saaro loona qaybsado Somaliya iyo Somaliland.

Mashruuca Puntland ay ku guulaysatay??

Waxbarashadu waa IFTIN,ayaa la yiraahdaa Mashruuca ay Puntland ilaa iyo hada ku guulaysatay.

Mashruucan,waxaa bixiya Midowga Yurub,waana bilowday,isagoon lasoo marin Xamar.

Waxaa kaloo la fuliya Mashruucan Midowga Yurub Hay’adaha CARE iyo SAVE the Children.

Mashruucan Xaafiiska hawl fulintiisu hoos timaado,waxuu fadhiyaa Garowe,dhaqaalihiisana lama soo marsiiyo Xamar,isla markaana W.Waxbarashada PL,ayaa umadax banaan sida loo isticmaalayo.

Jibril Qoobey.