W.Kalluumaysiga Fadaraalka oo heshiis Kalluumaysi oo mugdi ku jiro la gashay…

Heshiis ruqsad Kalluumeysi ah oo muddo hal sano ah lagu siinayo Shirkad laga leeyahay Wadanka Shiinaha ayay gashay W.Kalluumaysiga Fadaraalka.

Shirkada,ayaa lagu magacaabas Beijing Chaoliang Holding (Group) ay Wasaaradda Kalluumeysiga & Kheyraadka Badda DF la gashay Heshiiska.

Heshiiskan,ayaa waxaa ku jira mugdi fara badan .

Maraakiibta Kalluumeysiga Shiinaha,ayaa laga muujiyaa wal-wal badan waxayba horey u soo xaalufiyeen Badaha Galbeedka Afrika.

Waxaa bogiisa twitter ku daabacay Jaya Bahdur Madaxii hore hay’adda la socodka cunaqabateenta Somaliya qoraal ay ka muuqato wal-wal ku aadan mugdiga heshiiskaas ku jira.