Maxay ku salaysan tahay cabashada PL Ee Mashaariicda Baanka Aduunka iyo Deeq Bixiyayaasha kale?

Muxuu yahay Mowqifka W.Waxbarashada PL ee Shirka Xamar?

Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay go’aan ku qaadatay in aysan ka qaybgelin Shirka Xamar ee uu diyaarinayo Wasiir Faarax.

Sababta aysan uga qaybgalayn ayay ku sheegtay in danta laga leeyahay ay tahay igu sawir la tusayo Deeq bixiyayaasha caalamka.

BC,ayaa shuruud uga dhigtay Wasiir Faarax in uu Puntland keeno Shirka,hadii uu awoodi waayana,waxeeda gaar loo siinayo oo loo tixgelinayo cabashadeeda.

PL iyo Baanka Aduunka?

Dhamaan Mashaariicdii ka danbaysay 2019 ee World Bank,waa laga daba tagey,waxaana Wasiirka Maaliyada Dhabancad usaaray Gudi ka kooban Agaasimayaasha iyo Wasiirada Dowlada.

Gudigaas,ayaa yeeshay kulamo,waxayna soo saareen go’aan ahaa in loo yeero Madaxda Baanka Aduunka.

Uyeeridaas ayay soo ajiibeen Baanka aduunka,waxaana yimid PL madaxdii ugu saraysay,dood dheer kadib,waxayna la laabteen Anagaa isku laabanayna.

Waxaa la hakiyay dhamaan Mashaariicdii cusbaa ee Baanka Aduunku ka fulinayay PL inta laga saxayo.

Dooda Puntland ee Mashaariicd Baanka Aduunka,ayaa ku salaysan in lagu dulmiyay oo 28-Mashruuc oo Baanka Aduunku ka fulinayo Somaliya ay PL 8-ka mid ah wax ka heshay,halka 20-ka kale laga qadiyay.

Dayaca ugu weyn ee PL kasoo gaaray Mashaariicda Baanka Aduunka waxay dhaceen mudadii uu xilka Wasiirka Maaliyada hayay Xasan Shire,iyadoo loo nisbaynayo in ay sababtay fahan xumi ka haysatay dhanka Mashaariicda iyo danaysi kooban.

 

Puntland maxay ka rabtaa Baanka Aduunka?

1.In uu cad yahay qoondada Puntland ay ku leedahay mashruuc walba.

2.In qaybta hawlgelinta mashruuc kasta uu fadhiyo Puntland,awood buuxdana leeyahay.

3.In Lacagta lagu fulinayo Mashaariicda aysan soo marin Xamar.

4. In wixii Shaqaalaysiin ah iyo iib ah ay Puntland umadax bannaan tahay oo Federaalku shaqa ku lahayn.

 

Hoos ka akhriso Warqadihii ay Wasaaradaha Puntland ukala direen Beesha Caalamka?..

 

Warqada 1-Aad waa mowqifka Dowlada Puntland ee khilaafka dhexyaal Dowlada Fadaraalka.

 

 

Warqada 2-Aad waa mowqifka Wasaarada Maaliyada ee Mashruucyada World Bank ee loo diray Deeq bixiyayaasha.

 

 

Warqada 3-Aad waa mowqifka W.Waxbarashada Puntland ee Mashaariicda Waxbarasho ee loo diray Deeq bixiyayaasha.

 

Warqada 4-Aad waa soo bandhigidii kulamadii Wasiirada iyo Agaasimayaasha Dowlada PL ee go’aanadu kasoo baxeen.