Waa kuma Ninka la filayo in uu badalo Ra’isalwasaare Xamse?

Cabdisamad Nuur Bidaar waa Ninka badalaya Xamse dhawaan oo buuxinaya booska Ra’isalwasaaraha Jamhuuriyada Fadaraalka,sida xoguhu sheegayaan.

Mudooyinkii udanbeeyay in uu xiriir usocday isaga Madaxweyne Xasan ayay xoguhu cadaynayaan.

Booqashadii Maraykanka ee Xasan Shiikh in ay kulmeen oo ay ka wada hadleen buuxinta jagada Ra’isalwasaare ayay Ilo muhiim ah xaqiijinayaan.

Miiska,ayuu haatan saaran yahay oo Madaxweynaha iyo kooxdiisu,waa ku qanceen,hadaan wax isbadalina la magacaabi doono kadib marka Xamse baneeyo Kursiga.

Cabdisamad,waxaa dhalay Madaxii hore ee Laanta socdaalka Somaliya,waxayna ku tilmaamaan Dadka yaqaan Nin ka bixi kara shaqadan oo leh matalaad Deegaan iyo mid Qaran.

Ra’isalwasaare Xamse,ayay wararku sheegayaan in uu si dhib yar isku casili doono una banayn doono Xaafiiska,iyadoo wada hadalka uu ku tagayo gaba-gaba marayaan.

Xamse,waxuu muujiyay hogaan jileec uu xataa awoodi waayay kala wadida shaqo maalmeedka Xaafiiska,waxayna wararku sheegayaan in M.Xasan ay xataa BC ka codsatay in uu isbadal sameeyo lana helo Dowlad shaqayn karta.

Jibril Qoobey.