Faallo”Karaash oo dhabarka ka jabiyay qorshihii Deni

Hogaamin,ayuu muujiyay Madaxweyne Axmed ka saraysa mida Deni.

Dimuqraadiyadii aan jihada lahayn ee uu suura xumeeyay kana dhigay wax Qof hankiisa ku jaan go’an Madaxweyne Deni,ayuu jiho usameeyay.

Erayo laga kari waayay cadee oo Dadka usheeg halka ay usocdaan Deni,ayuu qeexay Karaash.

Aadbaa loogu nafisay,looguna diirsaday hadalkiisii shalay ee ahaa…

“Dimuqraadiyadu waxay ku kooban tahay Golayaasha Deegaanka,shaqo kuma leh tan Madaxweynaha,waxayna ku dhacaysaa mudo xileedkii loogu talagalay”.

Qiimo walba oo Dimuqraadiyayntu ay lahayd,waxaa macno tiray danaysiga Deni ee uu ka dhex raadinayo mudo kororsiga Puntland xaaraanta ka ah.

Puntland ma qaadi karto hogaaminta Deni 9-bilood ka badan.

Waa badbaadada Puntland in Deni baneeyo Madaxtooyada 2024.

Jibril Qoobey.