Somalida Sharci la’aanta ku ah Maraykanka oo heshay fursad ay ku qaadan karaan Ruqsada Darawalnimada

Guddoomiyaha gobolka Minnesota Tim Walz ayaa saaxiixay sharci u oggolaanaya muhaajiriinta ay Soomaalidu ku jirto ee aan heysan deganaashaha ama sharciga Mareykanka inay qaadan kaaraan shatiga darawalnimada.

“Maadaama aan muddo dheer taageere u ahaa shatiga darawalnimada ee qof kasta, waxaan ku hanweynahay inaan saxiixo sharcigan oo u tallaabsanaya inaan ka dhigno Minnesota gobol qof kasta ammaan u ah” ayuu Walz bartiisa Twitter-kiisa kusoo daabacay kadib markii uu saxiixay sharcigan.

Senator Zaynab Maxamed oo ah gabar Soomaali ah oo ka tirsan Aqalka Sare ee gobolka Minnesota, madaxna u aheyd guddigii qoray sharcigan ayaa sheegtay inay ku faraxsan tahay hirgelinta sharciga.

“Waa waalin qurux badan oo u suurtagashay bulshada soogalootiga ee jecel Minnesota.” ayay tiri Senator Zaynab.

“Aad baan ugu faraxsanaa in aan garab istaago ururada iyo hoggaamiyayaasha bulshada ee oo u dagaalamayey shatiga darawalnimada qof walba muddo tobanaan sano ah. Maanta waxaan farriin u dirnay dadka reer Minnesota ee gobolka oo dhan: Minnesota waa gurigaaga- aad ayaan ugu faraxsanahay inaad qayb ka tahay bulshadayada.” ayay ku tiri Peggy Flanagan oo ah guddoomiye ku xigeenka gobolka Minnesota farriin ay soo dhigtay boggeeda Twitterka.

Kumannaan Soomaali soogalooti ah oo laheyn sharciga Mareykanka ayaa ku nool gobolka Minnesota, kuwaas oo ka faa’iideysan doonaa marka uu dhaqangalo.

 

 

VOA