Puntland Siyaasiyan iyo Mileteri ahaanba waa uga adkaatay Somaliland

Hankii Wiilka Beesha Isaaq ee ahaa in uu dhiso Jamhuuriyad ka mid noqota Dalalka Geeska Afrika uu leeyahay Caasimadeeda,Dekedeeda kana yahay Bulshadeeda Boqolkiiba Konton,waa fashilmay.

Saakay LC waa xor,waxaana gudaheeda fadhiya ku dhawaad 8-kun oo Nin iyo Qalabkooda.

Taliskii Ina Canbaashe ee looga talinjiray Sool laguna dhibaatayn jiray Dadka,loona isticmaali jiray horgalnimada ee laga horgayn jiray cid walba oo isku dayda in ay xorayso Gobolka,waxaa fadhiya Ciidamada difaaca Sool.

Quluubta Bulshada Sool Boqolkiiba Boqol ayay ka jeensatay wax la yiraahdo Somaliland,Dadkuna waxa kaliya ee ay saakay ka midaysan yihiin waa ka fogaanshaha maamulkaas iyo ujeedooyinkiisa.

SL maxaa ka fashilmay?

1.Nabadii ay gadaysay.

2.Dimuqraadiyadii.

3.Ictiraaf raadintii.

SL maxay lumisay?

1.Santuukhii horumarinta SL.

2.Kabistii Ciidankeeda Police-ka

3.Dhoolatuskii Berbera ee macnaha uyeelan lahaa.

4.Matalaadii Sool iyo Sanaag ee ay ku doodi jirtay.

Fursadii Siyaasadeed ee ugu fiicnayd,ayaa saakay Gacanta Beelaha Daarood gashay.

Si gaar ah Puntland xirfad sare oo Siyaasiyadeed ayay uga adkaatay SL.

B.Siyaasadii dibada waa uga adkaatay.

T.Ciidan ahaan,iyadoo Shaati Beelaysan wadata ayay dusha ka martay.

J.Dhulkii iyo Dadkii Harti ee dulmanaana waxay kaga xoraysay,iyadoon la gelin dagaal qaawan.

X.Sokeeyihii SL la socday ee caqabada ku ahaa xoraynta Sool Gacanta PL wax kuma gaarin.

Waa umuhiim Siyaasada Beelaha Daarood in Muuse sii xukumo Somaliland.

Jibril Qoobey.