Itoobiya iyo Maamulka Muuse Biixi oo ku kala tagey colaada Laascaanood

Itoobiya iyo Maamulka Somaliland,ayaa isku fahmi waayay oo ku kala tagey colaada LC.

Maamulka Muuse Biixi,waxuu ka dhaga-adaygay dhex-dhexaadintii Itoobiya ee colaada LC,taasoo keentay in Labada dhinac uu khilaaf ka dhex qarxo.

Itoobiya waxay ku cadaadisay Muuse in uu la baxo Ciidankiisa joojiyana dagaalka,balse waa ka dhago adaygay.

Somaliland oo Itoobiya la loolamaysa,ayaa wefti udirtay Masar ay hogaaminayaan Wasiirka Arimaha dibada iyo kan Gaashaandhiga.

Labada Wasiir waxay ku sugan yihiin Jabuti oo ay uga sii gubayaan Masar.

Su’aashu waxay tahay,maxay noqon doontaa falcelinta Itoobiya?

Jibril Qoobey.