Qatar oo shuruudo adag ku xirtay dalabkii M.Xasan Shiikh….

Xasan Shiikh,waxuu kaga codsaday Amiirka Qatar kulankoodii Doha in Dowladiisu ka taageerto Miisaaniyada,sida ay xaqiijinayaan ilo xog ogaal ah.

Xasan,waxuu hor dhigtay dalabyo taageerid dhaqaale ah Amiirka Qatar,kuwaasoo kala ah…

1.Mushahaarka iyo Saadka Ciidamada.

2.Qorshe ay soo hindistay Dowlada Xasan kadib markay ku fashilantay dagaalkii Shabaab,kaasoo dhigaya in Ciidamo huwan ah oo gaaraya 45-kun kana koobnaan doona Wadamada Jabuti,Kenya,Itoobiya,Eretereya iyo Somaliya ay isku mar guluf ugu qaadaan Shabaab.

Qatar iyo jawaabteeda?

Dowlada Qatar waxay ku xirtay Laba Shuruudood dalabka Xasan Shiikh,kuwaasoo kala ah..

B.In uu badalo Ra’isalwasaaraha oo ay talo ku yeeshaan Qofka noqon doona.

T.In uu Agaasimaha Nisa ka qaado Mahad Salaad.

Sida wararku sheegayaan M.Xasan,waxuu lasoo tagay shuruudahaas kasoo fiirsigooda.

Jibril Qoobey.