Video:-Iran iyo Sacuudiga oo dib usoo ceshtay xiriirkii Diblomaasi

In this Nov. 11, 2015, photo, Saudi Arabian Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman attends a summit of Arab and Latin American leaders in Riyadh, Saudi Arabia. Saudi Arabia said Tuesday, Dec. 15, that 34 nations have agreed to form a new "Islamic military alliance" to fight terrorism with a joint operations center based in the kingdom's capital, Riyadh. Mohammed bin Salman said the new Islamic military coalition will develop mechanisms for working with other countries and international bodies to support counterterrorism efforts. (AP Photo/Hasan Jamali)

Iran iyo Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo soo celiyo xiriirkii go’ay 2016-kii, islamarkaana dib loo furo safaaradaha labada dal, waxaa sidaas maanta shaaciyey warbaahinta labada dal.

Sacuudi Carabiya ayaa xiriirka u jartay Iran 2016-kii kadib markii safaaraddeeda Tehran ay ku xoommeen shacab intii uu socday muran u dhaxeeyey labada dal oo ka dhashay markii Riyadh ay xukun dil ku fulisay wadada shiico ah.

“Kadib wada-hadallo, Jamhuuriyadda Islaamiga ah ee Iran iyo Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa ku heshiiyey in dib loo billaabo xiriirka diblomaasi, islamarkaana dib loo firo safaaradaha laba bil gudahood,” waxaa sidaas qortay wakalaadda wararka Iran ee IRNA, oo soo xiganeysa war-saxaafadeed wadajir ah.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka