Waa kuwama Ragga ay ku talisay Safaarada Maraykanka Ee Somaliya in ay la shaqayn karaan?

Safaarada Maraykanka ee Somaliya,ayaa la wadaagtay Madaxweyne Xasan Shiikh talo ku aadan isbadal uu ku sameeyo Xukuumada,sida laga helayo ilo muhiim ah.

Waxay Safaaradu soo jeedisay in Ra’isalwasaare loo qaadan karo Sadex Nin midkood oo ay u arkaan kuwo lala shaqayn karo…

1.Cabdiweli Gaas.

2.Sharmarke Nin la yiraahdo oo ay isku beel yihiin Ra’isalwasaare Xamse.

3.Axmed Ciise Cawad.

Fariintaas way gaartay Madaxweyne Xasan sida xoguhu xaqiijinayaan.

Aragti uu Xasan damcay in uu ku qaato Ina Nuur Bidaar,waxaa kaga hor yimid isbahaysigiisa Damjadiid+Daljir.

Maraykanku,waxuu aad udanaynayaa Dowladan in ay shaqayso,maadaama uu rabo soo saarista shidaalka ku jira Somaliya.

Jibril Qoobey.