Aqalka-sare oo ansixiyay hindise Sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Aqalka sare ee Baarlamaanka Fadaraalka Somaliya,ayaa maanta ansixiyay hindise sharciyeedka Aqoonsiga iyo Diiwaangelinta Dadweynaha.

Tallaabadan,ayaa waxey ka dhigan tahay in Qof walba ay tahay in uu qaato Kaarka Aqoonsiga (National ID).

Tani,ayaa noqonayso tallaabo wax weyn ka taraysa xal u helista dhibaatada aqoonsi la’aanta, nabadgalyada, mucaamalaadka maaliyadeed, iyo la falgalka hey’adaha Dowladda.

Wasaaradda Arrimaha guduha Dowladda Fadaraalka Somaliya,ayaa waxay qorshaynaysaa sanadkan gudihiisa hirgalinta hawshan.

Sida lagu qoray bogga Golaha Aqalka sare, hindise sharciyeedkan,ayaa Golaha Shacabku meelmariyeen Bishan March 1-deedii, sanadkan 2023, halka golaha aqalka sarana ay maanta gudbiyeen.