Dekeda Garacad oo ka muujisay tartan sareeya Suuqa tartanka Dekedaha

Dekeda Garacad Todobaad walba,waxaa kusoo xirta Laba Markab iyo Laba Doonyood isku cel celis ahaan.

Waxaa kaloo fursad tartan unoqon doona Ganacsatadii Dekeda Berbera kala soo degi jirtay Kunteenarada,gaar ahaan kuwa reer PL oo lagu qaaliyayay Canshuurta.

Sidoo kale,waxaa dagaalka LC gooyey Wadadii Berbera-Garowe.

Dhanka kale,waxaa meel wanaagsan maraysa dhismaha Wadada Garacad-Goldogob oo Wajigeeda 1-Aad uu yahay Garacad-Galkacyo oo dhan 240-km.

Waxaa kaloo Garowe ka furmaya 13-ka Bishan Shirweyne Dekedaha PL iyo Shirkadaha isticmaala oo ay kasoo qaybgalayaan Dowlado Reer Yurub ah,kuwa Carbeed,kuwo Aasiyaan iyo Afrikaan.

Shirkaas,waxaa lagu soo bandhigayaa fursadaha jira ee maalgashi iyo hanaanka ay ushaqeeyaan Labada Dekadood ee Bosaso iyo Garacad.

PL waxay muujisay horumar dhinacyo badan leh 20-kii Sano ee udanbeeyay.

 

Jibril Qoobey.