Maxaa ka jira in Jaaliyada Somalida Ee Zambia ay qayb ka ahayd masaafurinta…?

Safaarada iyo Jaaliyada Somalida ee Zambia waxay xaqiijiyeen in aysan waxba ka jirin Eedaha la sheegayo.

Labadan Nin waxay ka mid ahaayeen Dadka Somalida ah ee ka xoogsada Wadankaas.

Mid waxuu ku lahaa meel yar oo Cuntada laga cuno kuna qiimaysnayd 400 oo dolar Tuulo ka fog caasimada Dalkaas.

Halka kan kale uu ahaa Nin iska joog-jooga Masaajidada oo mar mar ku shaqaysta xirfada Darawalnimada.

Laamaha amaanka ee Dowlada Zambia,ayaa qabtay oo markii danbe masaafuriyay.

Mid,waxay ku eedeeyeen Tahriibin,halka midka kalana lagu eedeeyay falal argagixisanimo.

Magacyada Labada Nin,ayaa kala ah….

1.Xasan Sangaab Xaayoow
2.Daadir Dhuxul Maxamed.

Labada Nin ma’ahayn Ganacsato haysatay dhaqaale mana jirin wax laga dhacay oo hanti ah sida Safaarada Somalida,Jaaliyada iyo Waaxda socdaalka Zambia ay wada xaqiijiyeen.

Waxaa la yaab leh in Agaasimaha Nisa Mahad Salaad oo hab Qabiil ka duulaya uu arinka Ragan oo si khaldan loo turjumay u imaanayo Zambia.

Waxa dayac iyo baahi amni Dalka gudihiisa ka taagan in uu Zambia usoo aado ficil Qabiil oo aanba waxba ka jirin waa yaab..!!

Jibril Qoobey.