Video:-Shirkii Madasha Qaranka oo mar Sadexaad fashilmay

Shirka Madasha Qaranka ee ay iskugu yimaadaan Madaxda Fadaraalka iyo kuwa DG ee la qorshaynayay in uu markale qabsoomo 15-ka Bishan,ayaa dib udhici doona,sida xoguhu xaqiijinayaan.

23-ka ayay ubadan tahay in loo badalo taariikhda mar Sadexaad loo astaynayo qabsoomida Shirka.

M.Xasan Shiikh,ayaa ka codsaday Laftagareen in uu Garowe aado oo bilaabo dhex-dhexaadin isaga iyo Deni.

Sida xoguhu xaqiijinayaan masoo guulaysan doono socdaalka Laftagareen oo Deni masoo ajiibi doono kasoo qaybgalka Shirkaas.

Dhanka kale Safiiro door ah oo BC ka socda,ayaa Garowe utagi doona in ay khilaafka wax ka qabtaan.

BC,waxaa walwal weyn ku haya in ay fashilmaan Mashruucyada Baanka Aduunka oo 31-ka Bishan la rabo in ay dhan yihiin si isla ogol ah dhamaan Saxiixyada Mashaariicdaas.

Puntland waxay tirsanaysaa in lagu dulmiyay Mashaariicda horumarineed iyo awood qaybsiga Siyaasadeed ee heer Fadaraal.

Hadaysan PL ka qaybgelin Shirkaas,waxaa adkaan doonta in layskugu yimaado,hadii ay dhacdo in uu qabsoomana,waxuu noqon doonaa mid maqaamkiisu hooseeyo oo ugaar ah Bartamaha iyo Koonfurta Dalka oo qura.

 

 

Halkan ka daawo muuqaalka

Jibril Qoobey.