Warar sheegaya Ciidamada Hiil-Walaal Ee Jabuti in ay Rasaas usoo direen Ciidamada SNM

Waxaa jira iskuday Gawaarida Qudaarta ukala qaada PL iyo Koonfurta Dalka loogu soo rarayo Hub,sida xogo la helayo sheegayaan.

Rasaaasta lagu soo rarayo Gaadiidkaas,ayaa iskugu jirta mida culus iyo Gumucyada Madaafiicda Goobta M-30 D-30 jntapinte.

Waxay usocotaa Rasaastaas Ciidamada SNM ee ka dagaallamaya duleedka Laascaanood.

Rasaastan,ayaa laga soo raray Xeryaha Ciidanka Hiil Walaal ee Jabuti oo ku kala yaal Hiiran iyo Galguduud,sida xoguhu sheegayaan.

Jabuti dhawr jeer,ayaa lagu tuhmay in ay Saanad Ciidan ugu soo gudbisay Ciidamada SNM Diyaarado.

Balse xogtan waa qorshe cusub oo ka duwan kuwii hore khatartiisana leh.

Jibril Qoobey.