Muxuu yahay Mowqifka W.Waxbarashada Puntland Ee Shirka Xamar?

Muxuu yahay Mowqifka W.Waxbarashada PL ee Shirka Xamar?

Wasaarada Waxbarashada Puntland waxay go’aan ku qaadatay in aysan ka qaybgelin Shirka Xamar ee uu diyaarinayo Wasiir Faarax.

Sababta aysan uga qaybgalayn ayay ku sheegtay in danta laga leeyahay ay tahay igu sawir la tusayo Deeq bixiyayaasha caalamka.

BC,ayaa shuruud uga dhigtay Wasiir Faarax in uu Puntland keeno Shirka,hadii uu awoodi waayana,waxeeda gaar loo siinayo oo loo tixgelinayo cabashadeeda.

Faarax,waxuu si cad utaagan yahay in wax loo qaybsadaa Somaliya iyo Somaliland.

Somaliya oo uu udhigayo Dhulkii Talyaanigu gumaysan jiray oo PL ku jirto in Xamar la hoos keeno,ayuu qabaa.

PL waxay taagan tahay Dalku waa Fadaraal inta la dhamaystirayo Dastuurka oo la midaynayo arimaha Asaasiga ah,wax qaybsigu,waxuu sii ahaanayaa Sadex meeloodkii PL.SL iyo Bartamaha iyo Koonfurta.

Faarax oo raba in uu fashiliyo waxqaybsigaas iyo dooda PL,ayaa BC ku saaraya cadaadis ah in PL la hooskeeno Mashaariicdeeda Waxbarasho Xamar,isagoo Shirkii Paris ka hor jeediyay hadalkaas.

Hadafkiisa ugu weyn waa in PL hoos loo dhigo oo laga mid dhigo Maamulada aysan ka jirin hanaan Waxbarasho oo xataa 1000 Macallin aysan ka hawlgelin.

Puntland,waxaa ka hawlgala 10.000 oo Macallin,waxayna Wasaarada Waxbarashada PL bixisaa Mushahaarkooda,iyadoo kaashanaysa Deeq bixiyayaasha 2117-Macallin.

Doodan,waxaa qaba Wasaarada Waxbarashada Puntland.

Jibril Qoobey.