Alshabaab oo sheegatay Qaraxa ka dhacay Baardheere

Waxaa faahaahin dheeraad ah ka soo baxaysa qarax saaka arroornimadii lala beegsaday guri ay daganaayeen masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Gedo iyo saraakiil ka tirsan ciidamada xoogga dalka oo ku yaalla magaalada Baardheere ee gobolka Gedo.

Warrarka,ayaa sheegaya in ugu yaraan shan askari iyo afar qof oo ra’yid ah ay ku dhinteen weerarkaas.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa,ayaa la sheegay in lala beegsaday Gurigaaas oo ku dhawaa xarumo Dowladeed oo ku yaalla gudaha magaalada Bardheere.

Kooxda Al-Shabaab,ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxaas, sida ay sheegtay warbaahinta taageerta kooxdaas.