Lacagtii M.Xasan sheegay in uu uhayo Wadada Garacad-Goldogob oo beenoowday

Waxba kama jirin ku dhawaaqistii Madaxweyne Xasan ee ahayd in uu hayo Dhaqaalihii lagu dhisi lahaa Wadada Garacad-Goldogob.

Waxa uu madasha ka sheegayay waxay ahayd Lacag Laba Milyan oo dolar ah oo xiligii Fahad ay Odoyaal reer Goldogob ah si Abtinimo ah uga codsadeen Fahad in uu ugu daro qorshaha Qaranka Wadada Goldogob-Galkacyo,taasoo hada ADB usoo ogolaaday.

Wax kale uma hayo Wadadaas,dhawaan weftigii Xamar kula kulmay ee ka socday Dekeda,waxuu ku yiri qorshaha Qaranka,ayaan idinku daray.

Kuma jirin arimaha lagu yaqaanay M.Xasan Beenta marka laga soo tago Eexda iyo musuqa.

Wadada Garacad-Goldogob xiligan dhismaa ku socda,waxaana Gacanta ku haysa Shirkada Wadaagsin.

Jibril Qoobey.