Maxaa looga xaajoonayaa Shirka Baydhabo ka furmaya?

Shirka Baydhabo,waa mid ku kooban B&K Dalka oo aan miisaan lahayn.

Caalamka ay ku tiirsan tahay taageeradooda Dowladnimada Somaliya waxay kula shaqeeyaan Somalida is ogol.

Qodobada looga xaajoonayo waa Sadex kala ah…

1.Amaanka.
2.Fadaraalaynta hanaanka maaliyada.
3.Doorashooyinka.

Sadexda Qodob midna wax kama qaban karaan…

1.Amaanka majirto Siyaasad midaysan oo Dalka kawada dhaxaysa,waxa ugu weyn ee kasoo bixi kara waa baaq la dagaallanka argagixisada ah.

2.Hanaanka Maaliyada ee lawato waa mid Dowlad Dhexe usamaysan oo la rabo in hal Gacan lagu shubto Canshuuraha kasoo xarooda Dekedaha iyo Garoomada Dalka.

Galmudug,Hir-shabelle iyo KG maleh Ilo dhaqaale kasoo xaroodo oo lagala wareegayo oo awalba Dekeda Muqdisho,ayaa laga biilayay ee waxa loo gaatamayo waa Dekeda iyo Garoonka Kismaayo.

Shirkan oo awalba maqaamkiisu kusoo ururay B&K Dalka,waxaa hadana sii macno tiray ka maqnaanshaha Madaxweynaha Fadaraalka.

Jibril Qoobey.